Qoysas gargaar loogu qeybiyay degmada Xudur.

0
155

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa 217 qof oo iskugu jira danyar, barakacyaal iyo waayeelo waxa ay gargaar rashiin ugu qeybisay degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Gargaarkaan ayaa iskugu jiray qaybaha kala duwan ee raashinka, waxaana hore SoDMA ugu deeqay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sidoo kale Gargaarkaan qeybintiisa waxaa hay’adda SoDMA ku wehliyey Wasaaradda Gargaarka maamulka Koonfur Galbeed .

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq.