Sucuudiga oo markii ugu horraysay muddo 12 sano ah, danjire cusub u magcaabay Syria

0
80

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dowlada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday inay magcaabeen danjirihii ugu horreeyey ee ay u dirayaan dalka Syria, ka dib markii ay 12 sano ka hor xidhiidhka u jareen dalka Syria.

Tallaabadan ayaa noqonaysa mid muujinaysa xidhiidhka soo hagaagaya ee labada dhinac, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Syria dib loogu ogolaaday ka qaybgalka shirarka ururka Jaamacadda Carabta.

Faisal al-Mujfel, ayaa noqonaya danjirhii ugu horreeyey ee ka socda dalka Sucuudiga muddo 12 sannadood ah, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee dalka Sucuudiga.

Sannadkii hore ayaa dawladda Syria dib loogu ogolaaday ururka Jaamacadda carabta ka dib markii xubinimada dalkaas la hakiyey sannadkii 2011, iyada oo laga falcelinayo, gacantii adkayd ee uu maamulka Syria kula macaamilay debedbaxayaashii ka soo horjeedsaday xukunkiisa