Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubawdda cagta Barcelona ayaa waxa ay Arbacada si rasmi ah ugu dhawaaqi doontaa tababaraheeda cusub oo ah Hansi Flick oo ay toddobaadkan horraantiisii la gaadheen heshiis laba sannadood ah.
Hansi Flick oo sannadkii mushahar u qaadan doona lacag dhan 3 milyan oo Euro oo ay u raacayaan lacago kale oo gunnooyin ah oo ku xidhnaanaya haddii uu ku guuleysto Champions League, LaLiga ama koob kale, ayaa waxa uu ku wargeliyey kooxdiisa cusub in aanu ogolaanayn in la iibiyo xiddig ruug-caddaa ah oo ka tirsan kooxda.
Barcelona ayaa la sheegay inay dhibaatooyin dhaqaale u iibinayso tiro ciyaartooyo ah sida Ronald Araujo, Raphinha iyo Frenkie de Jong, halka mustaqbalka kooxda ee lama-taabtaanka ahna ay u tixgelinayaan Lamine Yamal, Pau Cubarsi, Gavi iyo Marc-Andre ter Stegen.
Ruug-caddaaga khadka dhexe ee reer Germany ee Ilkay Gundogan oo lala xidhiidhinayo kooxda reer Turkey ee Galatasaray, ayaase uu Hansi Flick uga dhaartay kooxda inay iibiyaan.
33 jirkan oo xagaagii hore si xor ah ay Barcelona ugala soo wareegtay Manchester City ayaa 51 ciyaarood oo uu u saftay Barca waxa uu u dhaliyey shan gool iyo 14 kale oo uu caawiye ka noqday.
Wararka ayaa sheegaya in Barcelona ay ka fiirsanayso in ay €50 milyan oo Euro kaga iibiso Galatasaray maadaama qandaraaskiisa uu sannad ka hadhsan yahay, balse Hansi Flick ayaa doonaya in laacibkani uu noqdo seeska uu ka unkayo dibu-dhiska kooxda.