Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka guddoomiyaasha baarlamaanada wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bulshada Bariga Africa (EAC) oo maanta si rasmi ah uga furmay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
Shirkan oo looga hadlayo xalinta caqabadaha hortaagan horumarinta ajandayaasha ururka ayaa guddoomiyaasha ka qeybgalay furitaankiisa waxa ay ka hadleen muhiimadda uu shirkan u leeyahay horumarinta ururka.
Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin