Mashariic horumarineed oo laga hirgeliyay Magaalada Matabaan oo xariga laga jaray

0
75

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xariga ka jaray mashaariicdan isugu jirta xarunta maamulka ee degmada Matabaan, Saldhigga Booliska, Suuqa Xoolaha, Suuqa Ganacsiga, Garoonka Kubbadda cagta, Xarumo Caafimaad, Ceelal iyo Leyrarka Cadceeda ku shaqeeyo.

Munaasabadda xariga looga jaray mashaariicdan horumarineed ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle, xildhibaano, maamulka gobolka Hiiraan iyo marti Sharaf kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.