Daadad xooggan oo ku dhuftay qeybo ka mid ah koonfurta dalka Jarmalka.

0
54

Baladweyne (Radio Beerlula)-Daadad xooggan ayaa ku dhuftay qeybo ka mid ah koonfurta dalka Jarmalka.

Heerka webiga ayaa si degdeg ah sare ugu kacay, ka dib roobab mahiigaan ah iyo duufaano.

Meelaha qaar ayay biyuhu gaareen heerkii ugu sarreeyay muddo qarni ah.

Biyo-xireen ayaa karkaarada jabsaday degmada Diedorf, waxaana qasab noqotay in xabsiga Memmingen la daadgureeyo dadkii maxaabiista ee ku xirnaa.

Boqolaal qof ayaa loogu baaqay inay ka baxaan guryahooda, oo aan ka fogeyn harrada Constance.

Kooxaha samatabbixinta oo watay doomo – iyo diyaarad helikobter ah ayaa ka caawinayay dadka inay baxsadaan.

Tareenada ka baxa Bavaria ilaa Switzerland ayaa la joojiyay.

Roob badan ayaa la saadaalinayaa saacadaha soo socda.