Tabaraha xulka kubadda cagta Baladweyne oo la magacaabay

0
65

Baladweyne( Radio Beerlula)- Guddoomiyaha ururka kubadda cagta degmada Baladweyne Ismaaciil Cali Xassan ( Siidaani) ayaa tabaraha xulka kubadda cagta degmada Baladweyne u magacaabay Cabdifatax Maxamed Cismaan ( Jarjar) oo ka mid ahaa macalimiinta kubadda cagta gobolka Hiiraan.

Tabaraha cusub ayaa looga fadhiya inuu soo dhiso xulka kubadda cagta degmada Baladweyne si ay uga qeyb galan tartamada kubadda cagta degmooyinka gobolka.