Israa’iil oo aqbashay xabbad-joojinta Gaza.

0
86

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kaaliyaha Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa maanta oo Axad ah xaqiijiyay in Israa’iil ay aqbashay heshiis guud oo lagu joojinayo dagaalka Gaza oo uu soo bandhigay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Kaaliyaha ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid qabyo ah oo dhamaystir u baahan.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa horey u sheegay in heshiiskan u udub dhaxaad u yahay in la sii daayo qaar ka mid ah la haystayaasha, oo ay ku jiraan haweenka, waayeelka, dadka nugul iyo muwaadiniinta Maraykanka ah, halka dhinaca kalena la sii dayn doono boqollaal falastiiniyiin ah oo ku xidhan jeelasha Israa’iil.

Intaa waxaa dheer, Israa’iil inay ogolaan doonto in gargaar bini’aadannimo oo dheeri ah la geeyo marinka Qaza iyo in muwaadiniinta Falastiiniyiintu ay dib ugu laabtaan guryahooda laga barakiciyey oo ay ku jiraan Woqooyiga Qaza.