Kulan looga hadlayay fulinta mashariicda muhiim ka ah oo lagu qabtay Muqdisho.

0
123

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Md. Dr Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi.

Kulankaan ayaa looga hadlay waxyaabaha ka fulay mashariicyadii ay Dowladda Qatar hay’adda u ballanqaadday,sida helista Gadiidka gurmadka deg-degga ah, diyaarinta goobaha biyo keydinta, qodista ceelal biyoodyo iyo in gargaar la gaarsiiyo barakacyaasha dib u dajinta loogu sameeyo goobihii ay ka yimaadeen.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin.