Maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir oo dhagax dhigay wado muhiim ah.

0
113

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir Mudane Bashiir Cabdi Maxamed ayaa dhagax dhigay waddo jaay ah oo laga hirgelinaayo waaxda Sayidka, laanta Onkod, taasi oo muhiim u ah isku socodka Bulshada iyo Gaadiidka.

Guddoomiyaha Degmada ayaa sidoo kale kormeeray wadooyin lagu sameenaayo furis iyo dib-u-dhis, asigoona shacabka ugu baaqay in ay furaan wadooyinka sidoo kalena ay ilaaliyaan bilicda degmada si loo gaaro qorshaha horumarinta Degmada Howlwadaag.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdiqaadir Cumar Ibraahim.