Dad ku sugnaa goob khamriga lagu cabbo oo xabsiga ay dhigeen Booliska Iran

0
67

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Booliska dalka Iran ayaa xabsiga u taxaabay 30 qof oo ku sugnaa goob Khamriga lagu cabbo, iyagoo sheegay in looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabkada ko fooggan waxyaabo anshax xumo ah.

Taliyaha booliska gobolka Mazandaran ee waqooyiga dalkaasi ayaa sheegay in goobta laga helay wax uu ugu yeeray calamadaha iyo astaamaha anshax xumada oo ay qayb ka ahaayen sideed iyo toban rag ah iyo labo iyo toban dumar ah.

Maamulka Iran waxay si joogto ah ugu eedeeyaan ka qaybgalayaasha xafladaha ama riwaayadaha halkaas oo khamriga lagu cabay inay kor u qaadayaan ‘shaydaannimada’.

Khamriga waa mamnuuc Muslimiinta ugu badan Iran, laakiin dadka laga tirada badan yahay ee aan Muslimka ahayn ee sida rasmiga ah loo aqoonsan yahay ayaa loo oggol yahay inay in ay isticmaalaan .