Dadka reer Sudan oo wajahaya gaajo daran, xilli macluul laga cabsi qabo.

0
56

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in ay si degdeg ah u ballaarinayso gargaarkeeda cuntada iyo nafaqeynta ee ay siiso Suudaan.

Waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in la gaarsiiyo gargaar shan milyan oo qof oo dheeraad ah dhamaadka sanadka si looga fogaado macluul, gaar ahaan meelaha ay colaaduhu ka jiraan sida El Fasher iyo caasimada Khartoum.

Tani waa laba jibaar tiradii dadka WFP ay markii hore qorsheyneysay inay taageerto.

WFP ayaa sheegtay in xaaladda Suudaan ay si weyn u sii xumaanayso taasoo ka dhalatay dagaalka sokeeye islamarkana heerka cunno yarida gaari karto heer aan la arkin ku dhawaad ​​shan iyo labaatan sano.