Hay’adda Tayodhowrka Jubbaland oo gubtay 738 kiish oo bur ah oo dhacay.

0
166

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Tayodhowrka Jubbaland oo kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa maanta duleedka waqooyi ee Kismaayo ku gubtay 738-kiish oo Bur ah, kaas oo ku soo xumaaday gudaha markabkii u soo siday Kismaayo.

Goobta lagu gubayay Burka ayaa waxaa goob joog ahaa masuuliyiin ka socotay Hay’adda Tayodhowrka Jubbaland iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland .

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq