Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo taclinta sare ee Hirshabeelle Saciid Hagar Camalow ayaa Magaalada Baladweyne ka daah furay imtixaanka dugsiga dhexe oo sannadkan ay ka qeyb galayan in ka badan shan kun iyo laba boqol oo ardey oo ku nool 13 degmo oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.
Munaasabadda lagu daah furayay imtixaankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Baladweyne iyo guddoonka waxbarashadda gobolka iyo kan degmada.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey.