Cirbixiyeenkii Maraykanka ee qaaday sawirkii caanka noqday ee dhulka oo ku dhintay shil diyaaradeed

0
104

Baladwayne ( Radio Beerlula )-William Anders oo ahaa cirbixiyeenkii qaaday mid ka mid ah sawirada ugu caansan ee laga soo qaaday hawada sare, ayaa ku dhintay shil diyaaradeed isagoo 90 jir ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in diyaarad yar oo uu la socday ay ku dhacday badda gobolka Washington.

Wiilka Anders Greg ayaa xaqiijiyay in meydka aabihiis la helay galabnimadii Jimcaha.

“Qoysku aad bay u murugeysanyihiin, wuxuu ahaa duuliye weyn, waa la tabi doonaa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay qoyska.

Anders – oo ahaa duuliyaha dayaxa ee howlgalka Apollo 8 – ayaa qaaday sawirka astaanta u ah Earthrise, mid ka mid ah sawirada ugu xusuusta iyo dhiirigelinta badan ee Dhulka ee hawada sare laga qaaday.