Xafiiska nidaaminta dhismaha gobolka Banaadir oo xariga laga jaray.

0
63

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale ayaa maanta xariga ka jaray Xafiiska Nidaaminta dhismaha ee Gobolka Banaadir, kaasi oo loogu tala galay in ay iska diiwaangeliyaan Injineerada iyo farsamo yaqaanada ka shaqeeysa dhismaha.

 

xaruntaan la xarig jaray ayaa sidoo kale qaban doonta shaqada (Hubinta iyo Ansaxinta Naqshadaha iyo Qaab-Dhismeedka Dhismooyinka) si loo nidaamiyo dhismayaasha laga hirgelinaayo Magaalada Muqdisho.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq