Maamulka degmada Luuq oo dib u furay Garoonka diyaaradaha ee degmada Luuq.

0
104

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiyaha degmada Luuq iyo gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobalka Gedo ayaa si wadajir ah u daahfuray garoonka diyaaradaha degmada luuq kaasi oo lagu sameeyay dib u dayactir kadib markii ay burbur u geeysatay fatahaadii iyo daadadkii Elino.

Munaasabada lagu daahfurayay garoonka diyaaradaha degmada Luuq ayaa waxaa goob joog ahaa maamulka degmada Luuq, Kan gobalka Gedo iyo qaybaha kale ee bulshada.

Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey