Iran iyo Sweden oo maxaabiis is dhaafsaday.

0
171

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sweden ayaa sii deysay Haamid Nuuri oo ah sarkaal hore oo u dhashay Iran kaasoo lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa dil wadareed dhacay sanadihii 1980-meeyadii, halka ay Iran sii deysay laba qof oo Swedish ah oo halkaas ku xirnaa.

Isdhaafsiga maxaabiista ayaa waxaa dhexdhexaadisay dowladda Cumaan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.

Cuman waxay kaloo sheegtay in muwaadiniinta la is-dhaafsaday laga soo kala wareejiyay Tehran iyo Stockholm.

Wakaalada wararka ee Iran ayaa baahisay muuqaalka Nuuri oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Mehrabad ee Tehran halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qoyskiisa roog cas, gelinkii danbe ee shalay.

Dhinaca kale, Muwaadiniinta Swedishka ah ee kala ah Johan Floderus iyo Saciid Caziizi, oo ku xirnaa Iran, ayaa la sii daayay, waxaana dib loogu celiyay Sweden oo ay soo gaareen galinkii dambe ee Sabtidii.