IMF oo Kenya siineysa deyn ku dhow $976 milyan oo dollar

0
111

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF iyo dowladda Kenya ayaa talaadadii gaaray heshiis u gogol xaaraya in Kenya la siiyo lacag dhan 976 milyan oo doolar.

Lacagtan ayay dowladdu dooneysaa inay isaga khafiifiso deymaha kale ee lagu leeyahay iyo culeysyada kale ee dhaqaale ee haysta.

Sidoo kale lacagtan ayaa loogu talo galay in hoos loogu dhigo sicir bararka dhanka maciishada ee ka jira dalka kenya.

Dhaqaale la’aan xoogan ayaa soo food saartay dowladda kenya taasoo hadda wada inay kordhiso lacagah canshuuraha.