Dhismaha wasaaradda deegaanka iyo saddex hay’addo oo kale oo laga dhagax dhigay Muqdisho.

0
169

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimillada, Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka, Dhowrista Xogta iyo Tayo-dhowrka.

Xarumahan oo dhamaantood lagu dhisayo isku-tashi dadwayne, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska xarumaha dowladda, kuwaas oo laga dhisayo waddada Jayga ee u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdinajiib Aweys Isxaaq.