Baladwayne ( Radio Beerlula )-Haweeyney dalxiise ah oo ka timid gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka ayaa waxa dilay Maroodi, kaddib markii gaarigii ay la socdeen ay weerarreen koox moroodiyaal ah dhulka keynta ah ee wadanka Zambia Arbacadii la soo dhaafay.
Maroodiga ayaa weerar ku qaaday Juliana Gle Tourneau oo 64 jir ah markii ay gaariga ka dagtay, sida saraakiisha wadankaasi sheegeen.
Tan ayaa noqonaysa dhacdadii labaad ee uu ku dhinto qof Maraykan ah oo dalxiise ah Koonfurta Qaarada Afrika sanad kan.
Gail Mattson oo 79 sano jir ahayd kana timid gobolka Minnesota ayaa ku dhimatay beerta qaranka ee Kafue oo ku taala Zambia kadib markii maroodigu weerrary gaariga ay la socdeen kooxdan, waxana halkaas ku dhimatay Mattson, waxana ku dhaawacmay shan kale.

