Baladwayne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka ayaa waxaa ka socda diyaar garowga loogu jiro maalmaha xuriyadda ee 26-ka June oo ah markii gobollada waqooyi ay xornimada ka qaateen guumeystihii ingiriiska iyo 1-da Luulyo oo ku began markii xornimada ay ka qaateen gobollada koonfureed guumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada koonfurta iyo waqooyi.
Goobaha lagu talo dharka ayaa la keenay dharka calamada si ay u uu iibsadan bulshada halka qaar kamid ah dhallinyarada ay bilaabeen ineey soo galaan sawiro muujinaya xuska maalintan si ay usoo dhigaan baraha bulshada.
Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahim.