Banaanbaxayaal gudaha u galay xarunta baarlamanka Kenya.

0
101

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Kenya waxaa hadda ka socdo dibadbaxyo ay dhigayaan dadka kenyanka ah ee ka soo horjeeda hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo.

Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo magaalooyin kale ayaa boqollaal dad ahi isugu soo baxeen waxaana ay wataan boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah.

Ciidamada booliska Kenya ayaa suntan dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday banaanbaxayasha sida laga dheehan karay muuqaallo uu baahiyay telefishnka laga lee yahay Mareykanka ee CNN.

Wararka kale ee ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegay in banaanbaxay ay gudaha u galeen xarunta baarlamanka islamarkana ay baxsadeen xildhibannadii ku sugnaa.