Baladwayne ( Radio Beerlula )-In ka badan 100 milyan oo ruux oo ku nool guud ahaan Mareykanka, ayaa dareemay mowjado kuleel, huur iyo hanfi xad dhaaf ah oo la kowsaday xilligaan jiilaalka oo hadda bilow ah dalka Mareykanka.
Meelaha sida daran looga dareemay kuleelka ayaa waxaa ka mid ah gobollada Xeebaha Bari ee Mareykanka, halkaas oo magaalooyinka qaar uu heer-kulka gaaray halki ugu sarreysay.
Magaalooyinka Baltimore iyo Philadelphia ayuu Axaddii shalay heer-kulka ku dhawaaday 100 degree oo feeranhayt oo u dhiganta 38 darajo oo ah halbeegga Salsiyas-ka.
Waxaa iyaguna kuleel daran uu ka dhacay gobollada Idaho, Montana, sidoo kale kuleel saa’id ah ayaa laga dareemay goboollada Nebraska iyo Kansas, sida ay sheegtay Xarunta Qaranka ee Cimmiladda Mareykanka.