Tababar lagu baranayo Xalinta Khilaafaadka oo lagu qabtay dhoobleey

0
67

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowalad Gobaleedka Jubbaland mudane Cabdulaahi Cabdiqaadir Aadan ayaa magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose ka furay tababar lagu baranayo Xalinta Khilaafaadka ee inta badan bulshada dhexdeeda ka dhaco.

Tababarkaan oo socon doona muddo saddex Cisho ah ayaa Waxaaa loo qabtay Boliska Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Dhalinyarada, Garsoorka, iyo maamulka Degmada.

Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.