Shiinaha oo doon Taiwan laga leeyahay ku qabtay ‘kalluumaysi sharci darro ah’

0
94

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Shiinaha ayaa sheegay in ay qabteen doonni laga leeyahay dalka Taiwan, oo ay saarnaayeen shan shaqaale ah, kadib markii ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen badda Shiinaha habeenkii Talaadada.

Taiwan ayaa ka codsatay Shiinaha in la sii daayo doontaas – iyo raggaas saarnaa, oo kala ahaa laba Taiwanese ah iyo saddex Indonesian ah – oo lagu hayo dekedda Weitou, oo ku taal koonfur-bari.

 

Saraakiisha Taiwan ayaa xaqiijiyay in doonida lagu qabtay gudaha badda Shiinaha, oo qiyaastii 2.8 nautical miles (5.1km) u jirta xeebteeda.

Waxa kale oo ay shaqaynaysay intii lagu jiray mamnuucista kalluumaysiga wakhtiga xagaaga ee Shiinaha ee May ilaa Agoosto.