Sara u kac ku yimid qiimaha la iibiyo qudaarta suuqyada Muqdisho.

0
137

Baladawayne ( Radio Beerlula )-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan suuqyada lagu iibiyo qudaarta ayaa laga dareemaya sara u kac ku yimid qiimaha la iibiyo Yaanyada, Mooska iyo nuucyada kale ee qudaarta.

Sicir bararkan ku yimid qiimaha qudaarta ayaa loo aaneynaya roobabkii dhawaan ka da’ay qeybo ka mid ah gobollada ku dhow magaalada Muqdisho kuwaasoo hakad galiyay gaadiidkii qudaarta geyn jiray magaalada Muqdisho.

Warbixintaan waxaa soojeedinaysa Xaawo Aadan Xuseen.