Ku dhowaad 100 meydadka muhaajiriin laga soo saaray Badweynta Atlaantikada

0
74

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ilaalada xeebaha Mauritania ayaa ilaa 89 meydadka muhaajiriin kasoo saaray doon ay saarnaayeen oo ku qallibantay Badweynta Atlaantikada.

Sagaal qof – oo ay ku jirto gabar shan jir ah – ayaa lasoo badbaadiyay, balse dhowr kale ayaa maqan.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in doonta – oo ahayd mid kalluumeysi – ay toddobaadkii hore kasoo shiraacatay xadka Senegal iyo Gambia iyadoo ay saarnaayeen ilaa 170 qof. Waxay ku quustay xeebta koofur-galbeed ee Mauritania.

Mauritania ayaa marin muhiim ah u ah tahriibayaasha isku dayaya inay gaaraan Yurub kana imaanaya Galbeedka Afrika, iyadoo kumannaan kun oo doomood ay sanadkii hore ka tageen dalkaas.

Meesha ugu badan ee ay hiigsadaan muhaajiirintan ayaa ah Jasiiradaha Canary ee Spain.