Iran oo yeelatay Madaxweyne Cusub.

0
99

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Musharaxa isbeddel doonka Iran kaas oo u ololeeya in reer galbeedka xiriir lala sameeyo ayaa ku guulestay wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha Iran.

Pezeshkian waxa uu helay 54 boqolkiiba codeyntii la tiriyay halka dadka u soo baxay codeynta wareegga labaad ee doorashada ay ahaayeen 49.8 boqolkiiba.

Hadalkii ugu horeeyay Pezeshian markii uu ku guuleystay doorashada waxa uu ka hadlay xiriirka caalamka dalkiisa uu la yeelanayo.

Wuxuu sheegay “qofkata waxaan u fureynaa gacan saaxiibtinimo hadii aan nahay dhammaanteen dadkii dalkan.

Sidoo kale Pezeshkian waa 60 jir, waxa uu ku baaqay in la yareeyo xiisadda caalamiga lana soo celiyo diblomaasiyad shaaqeyneysa iyo wadaxaajood wax ku ool ah oo lala galo adduunka.