nin gubay sawirka madaxweynihiisa oo lagu xakumay xarig ama ganaax lacageed

0
81

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Farshaxaniiste reer Tansaaniya ah oo lagu eedeeyay inuu gubay sawirka Madaxweyne Samia Suluhu Xassan, ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig ah ama ganaax lacageed oo dhan $2,000 oo doolar ka dib markii lagu helay dambiyo dhanka internetka ah.

Shadrack Chaula ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu duubay muuqaal baraha bulshada ku faafay, oo muujinaya isaga oo gubaya sawirka madaxweyne Samia xilli uu sidoo kalana aflagaadeeyay.

Farshahaxniistahan 24-sano jir ah ayaa qirtay inuu galay dambiga wuxuuna ku guul dareystay inuu maxkamada horteeda ka diifaaco dambiga uu geystay.

Xarigiisa ayaa dhaliyay muran dhanka sharciga ah, iyadoo qaar ka mid ah qareenada ay sheegeen inuusan jirin wax sharci ah aan la jabinin marka loo gubidda sawirka madaxweyne Saamiya Suluhu.