Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo UNICEF oo ka wada shaqeynaya horumarinta shaqaalaha iyo helitaanka xaquuqda caruurta.

0
84

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xoghayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya ayaa maanta kala sixiiday heshiis wada-shaqayn ah oo ku saabsan horumarinta aqoonta shaqaalaha iyo helitaanka xaquuqda caruurta.

Heshiiskan ayaa waxaa si wada jir ah u saxiixay labada xoghaye ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Jaabiri iyo wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.