Madaxweynaha malaayiinta doolar ka sameeyay tahriibayaashii sharci darrada ku galay Maraykanka.

0
76

Baladwayne ( Radio Beerlula )-In ka badan 5 milyan oo tahriibayaal ah ayaa si sharci darro ah gudaha ugu alay dalka Maraykanka labadii sano ee la soo dhaafay, iyaga oo ka talaabayay xuduuda koonfureed ee dalka.

Madaxweynaha Nicaragua Daniel Ortega ay dadka ka imaanaya wadamo badan ka dhaaftay shuruudii dal ku galka Nicaragua, si ay ugu sii gudbaan Maraykanka.

Lakiin dadka ka imaanaya meelaha fogfog sida qaaradda Afrika iyo tan Aasiyaba, waxay heleen meel ay u maraan Maraykanka, waana Nicaragua taas oo noqotay marin ay ku gaaraan Wuqooyiga Maraykanka.

Tahriibayaasha ayaa waxay maaro u heleen in ay ka badbadaan sii marista aagga Darien Gap, kaymaha qatarta badan ee u dhaxeeya Colombia iyo Panama iyo wadamada Honduras, Guatemala iyo Maxico – kuwaas oo ku gudbanaa riyadooda ahayd in ay mar uun cag dhigaan ciidda Maraykanka.

Sida ay baahiyaan warbaahinta dalka Nicaragua, dawladdu waxay intii u dhaxeysay Janaayo ilaa Oktoobar ee sanadkii 2023 dii aruurisay ku dhawaad $65.9 milyan oo doolarka Maraykanka ah oo ay ka keentay dadka tahriibayaasha ah, saddexdii bilood ee sanadkaan ugu horeeyayna $8.4 milyan oo doolar ayay aruuriyeen.