Sheekh boqol jirsaday oo carruutiisuna boqol ku dhowdahay oo dhalashadiisa u dabaal dagay.

0
59

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Caalimka weyn ee hoggaamiyaha dariiqada Tijjaniyya ee dalka Nigeria Sheekh Dahiru Usman Bauchi ayaa u dabaal degay dhalashadiisa maadaama uu hadda boqol jirsaday.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu ayaa u hambalyeeyay waddaadkan oo si weyn looga yaqaanno gudaha Nigeria.

Sheekh Dahiru Bauchi waxa uu caan ku yahay fidinta iyo wax baridda umadda gaarahaan diinta Islaamka, iyadoo gudaha dalka Nigeria iyo wadamo kala duwan oo caalamka ahba uu waxna dad ku baray isaguna ka bartay.

Sheekh Dahiru Usman Bauchi waxa uu dhashay maalin Arbaco ah June 28, 1927-dii, waxaana uu ku dhashay magaalada Nafada ee gobolka Gombe, waqooyi bari Nigeria