QM oo sheegtay in macluul ay ka jirto Marinka Gaza

0
64

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Koox khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa war qoraal ah oo ay saareen ku sheegay in macluushu ay ku baahday Marinka Gaza oo dagaallo ay ka socdeen tan iyo bishii October ee sannadkii hore.

Khubarada ayaa tusaale usoo qaatay dhimashada dhowaan ee saddex carruur ah oo da’doodu kala tahay 6-bilood, sagaal sano iyo 13 sano.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in xaaladda ka jirta Gaza ay ka sii dari doonto hadii aan la joojin colaadda si gurmad bini’aadanimo loo gaarsiiyo dadka colaadu sameysay.

In ka badan 1 malyan oo ruux ayaa lagu soo waramaya inay ka barakeceen Gaza tan iyo markii colaadda ay bilaabatay.