Laba Ciyaaryahan Oo Qarka U Saaran In Ay Ka Tagaan Arsenal.

0
50

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Nuno Tavares iyo Albert Sambi Lokonga ayaa qarka u saaran inay ka tagaan Arsenal maalmaha soo socda.

Labada ciyaaryahan ayaa Arsenal kaga maqnaa Amaah xilli ciyaareedkii hore iyaga oo aan ka mid ahayn qorshaha Mikel Arteta.

Kooxda Ayaa u sheegtay labada xiddig in ay raadsadaan koox cusub inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga Tavares ayaa haatan qaab amaah ah ugu biiraya kooxda Lazio ka hor inta uuna si toos ah ugu biirin kooxda xagaaga dambe.

Lokonga ayaa sidoo kale qarka u saaran in uu ku biiro Sevilla oo uu amaah ugu biirayo ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin.