Aroos malaayiin dollar ku baxeyso oo ka socda dalka Hindiya.

0
82

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dabaal dagyo xamaasad leh oo bilihii lasoo dhaafay socday ayaa ugu dambeyntii waxaa magaalada Mumbai ee dalka India ka socota xaflada arooska wiilka uu dhalay ninka ugu taajirsan Aasiya.

Anant Ambani, oo ah wiilka guddoomiyaha Reliance Industries, Mukesh Ambani, ayaa guursanaya Radhika Merchant, gabadh ay dhaleen maalqabeennada Viren iyo Shaila Merchant.

Xaflada ayaa lahayd qayb hore oo ay qoysku marti galiyeen dad caana oo ay ka mid ahaayeen fanaaniinta Rihanna iyo Justin Bieber.

Wadooyinka muhiimka ah ee Mumbai ayaa la xirayaa dhowr saacadood maalintii ilaa ay ka dhamaanayaan xafladaha maalinta Isniinta ah.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa wararka ku saabsan arooska, iyadoo dadka daqiiqad-daqiiqadba loola wadaagayo xogta xiddigaha Bollywoodka iyo kuwa caanka ah ee imaanaya xaflada.

Qaar ka mida dadka magaalada ay ka dhacayso xaflada arooska ayaa ka cowday xirnaanshaha wadooyinka oo uga sii daray dhaqdhaqaada saxmada ee ka dhashay roobab ka daya magaalada halka dadka qaar ay su’aal galiyeen sida foosha xun ee hantida loogu bandhigyo dabaaldagyo.