SPAIN Oo Qaab Qurux Badan Ku Qaaday Euro2024 & Abaarta England Iyo Kane Oo Sii Socota.

0
70

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Spain ayaa qaab qurux badan ku qaaday euro 2024, kadib markii ay 2-1 ku garaacday xulka England.

Gool uu xilli dambe u dhaliyay Spain Oyarzabal ayaa guusha ku hogaamisay xulka Spain.

Waa markii 4aad oo Spain ku guuleystan Euro, sidoo kale Spain ayaa jebiyay rikoorka goolasha ugu badan tartanka.

Goolasha Spain waxay ka heshay Nico Williams iyo Oyarzabal halka goolka qudha ee England uu u dhaliyay Cole Palmer.

Isbaanishku mar kale ayee magacooda ku qoreen buugaagta taariikhda.

Waxa ay hadda ku guulaysteen afar koob oo Yurub ah, kaas oo ka badan dal kasta.

Saddex ka mid ah wuxuu yimid qarnigii 21aad.

Spain waa dal yaqaana sida koobabka loo qaado, waa Habeen u gaar ah Spanishka

Lamine Yamal ayaa ku guuleystey Ciyaaryahanka da’da yar ee tartanka.

Sidoo kale Rodri ayaa la guddoonsiiyay ciyaartoyga tartanka.

Si kastaba England ayaa ku guuldareystay final kale si la mid ah waxaa halkeeda kasii socota abaarta koob la’aaned ee Harry Kane isagoo caawa ilinta ceshan waayay.