markab shidaal oo ku degay xeebaha Cumaan

0
79

Baladwayne ( Radio Beerlula )-markabkaan oo ay saarnaayeen 16 shaqaale ah oo 13 ka mid ah ay u dhasheen Hindiya ayaa sida ay sheegtay dowlada Cuman waxa uu ku dagay gudaha badda koonfur bari Ras Madrakah.

16-ka shaqaalaha ee saarnaa markabka saddex ka mid ah ayaa ka soo jeeda dalka Sri Lanka.

Markabka oo sita calanka dalka Comoros waxaa uu ku sii jeeday dekadda magaalada Cadan markii uu degayay.

Mas’uuliyiinta xarunta amniga badda ee Cumaan ayaa u sheegay shalay wakaaladda wararka Reuters in markabka degay uu biyaha ka hoos maray balse aysan ogeyn in uu sii dhaqaaqayo ama uu halkaas ku istaagay.