Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray kawaan cusub oo casri ah, kaasi oo loogu talagalay in ay ku shaqeeyaan Iskaashatada Kaluunka Soomaaliyeed.
Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo Ubax, Guddiga iskaashatada Kaluunka iyo Bulshada qeybaheeda kala gedisan.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.