Natiijooyiinka kulumadii galabta laga ciyaartay tartanka Sera B ee Baladwayn.

0
55

Baladwayne ( Radio Beerlula )-kooxda FC Risaasta ayaa gabi ahaanba isaga haray tartanka Sera B ee Baladwayne kadib markii guul daro xanuun badan kala kulantay Kooxda FC Jiiqa oo rigoorayaal ku adkaatay 5-4

kulankaan oo ahaa kulamadii ugu xiisaha badnaa ee laga ciyaaray tartanka ayaa waxaa uu ku biloowday qaab ciyaareed aad u sareeya oo ay koox waliba ku dooneeysay in guul muhiim ah ka gaarto si ay ugu gudbaan wareega xiga balse ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay barbaro 2 iyo 2 ah kadib waxaa rigoolayaal 4 iyo 5 kusoo baxday kooxda Jiiqa.

kulamdii kale ee laga ciyaartay tartanka ayaa waxaa kamid ahaa iyo natiijooyinka ay kusoo dhamaadeen

Kutiimbo 0-0 Suuqa sare

Xigaha 1(5-4)1 Xornimo waxaa ka haray tartanka kooxda Xornimo