Xafiiska mashruuca nagaad ee gobolka Banaadir oo la dhagax dhigay.

0
134

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xafiiska Mashruuca Nagaad oo ah Xafiis ay ku shaqeyn doonaan howlwadeenada Mashruucaan oo ay maalgeliso Bangiga Aduunka.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Xiriiriyaha Mashruuca Nagaad ee Gobolka Banaadir Omar Hussein Mohamed, Agaasimeyaal iyo Mas’uuliyiin kale.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.