Madaxweyne Biden oo ka haray tartanka doorashada Mareykanka.

0
50

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in uu san dib isu soo taageyn doorashada madaxweynaha Mareykanka oo muddo afar bilood ay ka harsan tahay.

Go’aanka ayaa soo baxay kaddib toddobaadyo cadaadis weyn ay saareen madaxweyne Biden xisbigiisa Dimuqraadiga.

81 jirkan ayaa horey u diiday baaqyo looga dalbanayay in uu ka haro doorashada kaddib markii walaac laga muujiyay caafimaadkiisa.

Biden waxa uu ku dhawaaqay in uu taageerayo Kamala Harris in ay noqoto musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada 2024ka.