Maxkamad ku taal Imaaraatka Carabta oo xukuntay 57 ruux oo u dhalatay Bangladesh.

0
80

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Saddax ka mid ah dadka la soo taagay maxkamadda oo aan magacooda la sheegin ayaa lagu xukumay xabsi daa’in “kaddib markii ay rabshado ka kiciyeen wadooyin ku yalla Imaaraatka Carabta Jimcihii”.

53 kale ayaa lagu xukumay 10 sano iyadoo hal qofna lagu xukumay 11 sano.

Dadka la xukumay ayaa ku doodaya in ujeedka isku-imaatinkooda uusan aheyn in ay dambi geystaan, cadeymaha la keenayna aysan aheyn kuwa ku filan.

In dibadbax laga dhigo Imaaraatka Carabta waa sharci darro, iyadoona dadka ajnabiga ay dalkaasi ka yihiin 90%.

Dadka ka soo jeedo Bangladesh ee ku nool Imaaraadka carabka ayaa kaalinta saddexaad uga jira dadka ajinabiga ee ku nool Imaaraadka.

Bangladesh waxaa ka dhacay dibabaxyo looga horjeedo qoondada shaqada ee dowladda.

Wadanka waxaa hoggaamiya Sheikh Hasina oo 15 sano wadanka ka aheyd raysalwasaare.