Bannaan baxayaasha Kenya oo ku gooddiyay in ay gudaha u galayaan garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

0
72

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kusimaha taliyaha Guud ee Booliska Douglas Kanja Kirocho ayaa uga digay dibadbaxayaasha in aysan isku dayin in ay galaan goobaha ay dowladdu ilaaliso iyadoo ay socdaan mudaaharaadyada looga soo horjeedo dowladda.
Intii uu socday shirka jaraa’id, Kanja wuxuu sheegay in warbixinnada sirdoonku ay muujinayaan in mudaaharaadyada hadda ay wataan falal rabshado ah oo ay fuliyeen dambiilayaal.
“Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo, mudaaharaadka hadda socda waxa uu noqday meel ay ku dhuuntaan dambiilayaasha, kuwaas oo ku dhiiraday inay dhacaan oo ay burburiyaan hantida dadka Kenyaanka ah ee dadaalka badan”.
Sarkaalkan ayaa ka soo horjeestay baaqii dhalinyarada Kenya ee ahaa in ay gudaha u galaan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta si ay uga dhiidhiyaan maamulka Ruto.