Shiinaha oo ku guuleystay in uu heshiis dhex dhigo kooxaha Falastiniinta ee iska-soo horjeeday

0
49

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wakiilada Xamaas iyo fatax oo ay wheliyaan laba iy toban kooxood oo falastiiniyaan ah ayaa ku heshiiyey inay soo afjaraan kala qaybsanaanta dhexdooda ah ayn ka shaqeeyaan midnimadooda ka dib saddex maalmood oo wadahadal ah oo ka dhacay Beijing. Wadahadaladan waxaa garwadeen ka ahayd wasaaradda arrimaha dibada ee Shinaha.

Heshiiska, oo Talaadadii lagu soo gabagabeeyay Shiinaha ka dib seddex maalmood oo wadahadalo ah, ayaa aasaas u ah “dawlad dib u heshiisiin qaran oo ku meel gaar ah” si ay u maamusho Gaza dagaalka ka dib, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi.

Dib-u-heshiisiinta Xamaas iyo Fatax waxay noqon doontaa barta ugu muhiimsan ee wax ka beddelka xiriirka gudaha Falastiin. Labada dhinac ee siyaasadeed Falastiiniyiinta ee ugu waaweyn dhulka falastiiniyiinta ayaa ah kuwo iska soo horjeeday tan iyo markii uu dagaalku qarxay 2006-dii, markaas oo Xamaas ay la wareegtay maamulka Gaza.

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha wang Yi ayaa sheegay in shiinu uu uga mahadcelinayo dadaalada dhinacyadu kala duwani iyo heshiiska ay gaareen.