Tartan kubadda cagta ah oo laga furay magaalada Caynaba

0
68

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha maamulka Soomaaliland ayaa magaalada Caynaba ee gobolka Saraar ka daah-furtay tartan kubadda cagta ah.

Tartankaan kubadda cagta ah oo loo qabtay kooxaha heerka kowaad ayaa munaasabadda lagu daah-furayay waxaa goob joog maamulka magaalada Caynaba iyo xubno ka socday Wasaaradda Ciyaaraha maamulka Soomaaliland.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdinajiib Aweys Isxaaq.