Booliska Koonfur Afrika ayaa xiray Liibiyan ku jiray xero militeri oo sharcidarro ah.

0
42

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sagaashan iyo shan qof oo u dhashay dalka Liibiya ayaa la xiray kaddib markii looga shakiyay in ay ku qaadanayeen tababar sharcidarro ah xero militeri oo ku taal dalka Koonfur Afrika sida ay boolisku sheegeen.

Booliska ayaa xoog ku galay xerada oo aheyd meel beer ah, White River, oo ah magaalo yar oo ku taal gobolka waqooyiga ee Mpumalanga.

Booliska oo galay xaruntaasi Jimcihii waxay sheegeen in ay halkaas ku arkeen teendhooyin, hub sharciyeysan iyo qalab kale oo militeri. Sidoo kale boolisku waxay sheegeen in xeerada ay ka heleen maandooriyayaal ay ka mid yihiin xashiishad iyo Kookeyn.

Sida laga soo xigtay afhayeenka booliska, Athlenda Mathe, waxaa lagu eedeeyay Liibiyaanka in ay “been ka sheegeen” dalabkooda fiisaha iyagoo sheegay in loo tababaro ilaalo ammaan.

Mr Mdhluli waxa uu sheegay in milkiilaha shirkadda uu yahay qof u dhashay Koonfur Afrika, booliskuna ay wadaan baaris la xiriirta hadii uu u haystay sharci in xerada ay u shaqeyso qaab militeri.