Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya oo wada qorshe lagu kordhinayo tirada ardeyda iyo iskuullada dowladda.

0
63

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare xukuumadda federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka qeyb galay madal furan oo lagu qabtay xarunta tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la kordhin doono tirada iskuullada dowladda, tirada ardeyda iyo tirade macalimiinta.

Sidoo kale wasiirka waxbarashadda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadda ay bilowday diwaan gelinta ardeyda jaamacaddaha dalka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey