19 qof oo ku dhintay shil doon oo ka dhacay Itoobiya.

0
63

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 19 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen kaddib marki ay dooni ay la socdeen ku degtay webi ku yaalla gobolka Amxaarada ee Waqooyiga Itoobiya.

Doonta ayaa rakaab kasoo qaadday deegaannada ku hareereysan webiga Tekeze ee mara xadka Itoobiya iyo Eritrea kuna dhamaada gudaha dalka Sudan. Saraakiisha ayaa sheegay in wadday ugu yaraan 26 qof.

Warbaahinta Gobolka Amxaarada ee loo soo gaabiyo AMC ayaa ku warrantay in la helay meydadka laba qof.

Gobolka Amxaarada oo ah kan labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, ayaa waxaa sannadihi dhawaa ka jiray colaado sokeeye.