Hooyo loo xiray gabadheeda oo ay guur ku qasabtay.

0
72

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dalka Australia haweeneydii ugu horeeysay ayaa loo xiray sharciga guurka qasabka ah, kadib markii ay gabadheeda oo 21-jir ahayd ku qasabtay inay guursato nin markii dambe dilay.

Sakina Muhammad Jan, oo 40 jir ah, ayaa lagu helay danbi ah inay ku qasabtay Ruqia Haidari inay guursato Mohammad Ali Halimi oo 26 jir ah sanadkii 2019, xiligaas oo ay ka qaadatay lacag yar.

Lix asbuuc ka dib arooska, Mohammad ayaa dilay xaaskiisii – waxaana lagu helay dambiga isagoona hadda qaadanaya xukun xabsi daa’in ah.

Isniinta maanta ah, haweeneyda oo qiratay dambiga ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah, Garsooraha ayaana sheegay in ay jirtay wax uu ugu yeeray “cadaadis aan loo dulqaadan karin” in ay kula kacday gabadheeda.

Shuruucda guurka qasabka ah ayaa lagu soo bandhigay Australia 2013 iyada oo xukunka ugu badnaan uu yahya todobo sano oo xarig ah.